Adaan kugu hanweenahay
Dartaada u hool gabay
Halistii jacaylkaa
la hingoonayaa

Ha is oran ninaa jiray
Hilmaan waxii horay
Ka haysto dantaada

Heesahaan bartaan
habeen barkii goray tahay
Tirayoo
Hurdo gama ma siiyo

Haddii aad nooshahay
Anigana hortaa dhiman
Waa is haleelli doonaa

Sida hooyo wiilkayda
Hab inaad isiisoo
Horaadkaa isaartaa
Hanti igala wacan

Adaan kugu hanweenahay
Habeen kale ma eego
Ha habeesan meel kale
Ha ijarin halboolaha

Xigta aad iga xigtay
Nolasha hamisaa
naftu uharaadee

Hoygaa aad ku dhaqantahay
Iyo halkaad ifka ka joogto
yaan Heli waaye ka habaabayee

Haddii aan kaa haro
Ku iloobo waano
Ka hoos maray ciidee

Sida hooyo wiilkayda
Hab inaad isiisoo
Horaadkaa isaartaa
Hanti igala wacan

Exit mobile version