Heesta Qureeshta - Lyrics
Quroxoon badanee
Qayrkaa waa soo qalaafee
Qani aa tahay
Qiimo waynee
Qalbigayga aad
Qol ku yeelatee
Qalin iyo luul
Anigaa kugu soo qubaayee
Qosolkaaga qaayahiisa
Qayaas malahee
Qayaano iyo qas makuu quree
Qumaanti caashaqa ila wadee
Qurayshta habloodaa ii tahee
Qorshaan wataa adiga ila qaybsee
Qayr iyo qasaaro an
Waa kula qaybsahaayee
iqudbeeso qol igaysee
Qodabkaa adi lee ila qaraar gaaree
An qaraabadee dartaa
isoo qubeenee
qarqaryoodayee
qandhaa ikuleesayee
Qurayshta habloodaa ii tahee
Qorshaan wataa adiga ila qaybsee
Qayaano iyo qas kuuma quuree
Qumaanti caashaqaan ila wadee
Kaa quursamaayo qofyahay
ana waa kuu qashucayee
qoolkaaga waa soo qibloodayee
Qalad waaye minaan ku qaadaninee
Qalin iyo luul
Anigaa kugu soo qubaayee
Qosolkaaga qaayahiisa
Qayaas malahee
Qayaano iyo qas makuu quree
Qumaanti caashaqa ila wadee
Qurayshta habloodaa ii tahee
Qorshaan wataa adiga ila qaybsee
Qumanoo adaa qaabkaaga iqancihaayee
Ila qaado qaybtaa jacaylkee
Qoyl been iyo qaylo kuuma rabee
An qaraabadee dartaa
isoo qubeenee
qarqaryoodayee
qandhaa ikuleesayee
Qurayshta habloodaa ii tahee
Qorshaan wataa adiga ila qaybsee
Qayaano iyo qas kuuma quuree
Qumaanti caashaqaan ila wadee