Waa qalanjo yaabloo
quruxiyo ilaah baa
u dhameeyey qaayee
ileen way qarsooneyd
qul markaan u eegeen
qac indhaha ku siyaa
qunbacdaa jacaylkee
alla igama qadaan
qalbi nuura iidaa

Qiimeenta nolashiyo
Sidii ii qadariyaan
Anba uqushuucee
yarka waan isku qalanaa
qul markaan u eegeen
qac indhaha ku siyaa
qunbacdaa jacaylkee
alla igama qadaan
qaayo wayne iidaa
yarka sanadka iidaa

Qaabkii suleekhaay
siduu eebe kuu qorey
ee kuu qotomiyaa
caashaqaa ka qaaliya
qul markaan u eegeen
qac indhaha ku siyaa
kalgaceyl i qariyaa
alla igama qadaan
qalbi nuura iidaa

Exit mobile version