alaylki adoo hurdaan
anuu erayada kalgacal
amaan kuugu soo tirshaa
adna ma ogidee
naftani aawadaa
haraad la asqaysan tahaye
eber miyaa ubixii aan beernay
aan ilaashanaynay eber miyaa
ebermiyaa axdigii aan gaadhnay
arooskeenii eber miyaa
eber miyaa ififaalo guuriyo
aayahaan sugaynay eber miyaa
eber miyaa oh my god eber miyaa

aroortii markaan kacaan
anoon afka saarin oon
waxaan aragaaga raadsho
ileen murugada jacayl
ilmada iga daadanaysa
adigu iimaad ogayn
eber miyaa ubixii aan beernay
aan ilaashanaynay eber miyaa
ebermiyaa axdigii aan gaadhnay
arooskeenii eber miyaa
eber miyaa ififaalo guuriyo
aayahaan sugaynay eber miyaa
eber miyaa oh my god eber miyaa

Exit mobile version