waqti hore jacaylkii
doontii wacnaydiyo
dusha wabiga niil
runtii igu wareemaa
wanaag badan i farayoo
uma baxa wixii ba,ay
in kasto la weeraray
ama nacab ku wiiqoo
wajigii furnaan jiray
saaka uu wax kale yahay
wuxxuu sababsadoo
wadka uga soo dhacay
wali waa dhankaagoo
warba wuxuu ku idil yahay
waa nin iyo waagii

wadnihii kalsoonida
kaaga waab saeeyay
cidlo weheshigiisii
runtii wuu walwalayaa
kolka uu wax kaa dhigay
waadamahaad u goyse
inkastoo wareerkii
waynuhu ka qaadoo
farxad uu walaashado
aduun buu kuu waanshaa
wuxxuu sababsadoo
wadka uga soo dhacay
wali waa dhankaagoo
warba wuxuu ku idil yahay
waa nin iyo waagii

Exit mobile version