Xiisaha bogaygiyo
Baahida aan kuu qabo
Hadalada ma quuto
Siduu caashaq ii bogay
Aan kuu bilaaboo
Kuu baahsho hadalkoo
Kuu balaarshe carabkee
Iga maqal iga maqal bareeraa

Bilicdii horeetiyo
Awal barashadeenii
Ilowgii kalgacalkoo
Degdeg iigu beertaa
Iga dhigay bastayoo
La baxaadigaayaa

Intuu jacaylku
Bogan iiga taalban
Ha bogsooto leeyoon
Wali baan ku beeraa
Wali ala baan beeraa

Marka aan baxnaanshee
Baryo aan ladnaadaba
Adaa damaqda goobtoo
Tilaamiyo taarta daran
Tilaamiyo taarta daran

Oo fayd go,aygiyo
Basan baaska caashaqa
Dheg kali adaa i baday
Adaa i baday
Dheg kali adaa i baday

Baaqiyo salaantii
Nabadiyo bariidadii
Adaa baajeey saligii
Beeneeyay wacadkii
Boholyowna igu riday

Exit mobile version