VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Iqra - Lyrics

Mid xun lama amaano Cala looma saaro Midna lagama heesee 2× Cod kar weeeye gabadhuye Iqra waxa loo idhi Ka caaganaanta xumaha oo Kaa caqli badan tahay Laha maanta caanka oo Waa caynad gooniya 2× Caradaynu joogniyo Ilaa cidhifka dunidana Caynkeeda oo kale Lama keenin dunidoo Wali cagaha may dhigan 2× Calaamado u gaariyo Qiime eebe siiyay Ku caysta dadkeedoo Cisha qudha waalidkeed Kama cadaysee 2× Ninkaa calaf ku yeeshee Loo wada ducayshee Cariurtiisa celisana Cawo iyo ayaanleey Cawo iyo ayaanleey 2× Ana waxaan codsanayoo Cishqi alif kun jeer Caadil uga baryaaya Cimri dheer cibaado suuban Iyo ubad ciseeyaa Cimri dheer cibaado suuban Iyo ubad ciseeyaa 2×
Queue is empty
-- / --