Seerma weydo curatiyo
Sida sagal arooryaad
Inta uu arlada simay
Arlada simay
Nagu soo shub xoolaha

Ama subaxa waabari
Suuradii cadceedoo
Sintay oo falaaraha
Soo saartay nuurkii

Oo sabada geedaha
Sayaxa iyo rayskiyo
Oo sabada geedaha
Sayaxa iyo rayskiyo
Sir markaad u eegtana
Aanay cidi saluugayn

Nimcada is wada suran
Wax la siman aduunyada
Samsameey adaa jira
Nimcada is wada suran
Wax la siman aduunyada
Qamareey adaa jira

Ana saloow kalgacaloo
Saafiyoo lafaha galaybaan
Aan wada seesnahay
Ana saloow kalgacaloo
Saafiyoo lafaha galaybaan
Aan wada seesnahay
Aan wada aan wada seesnahay

Aloow aloow
Inaan suleekha
Suunkiyo dhaclaha iyo
Sadex qeyd adoo xidhan
Sawjadiisa noqotaayo
Washxoo kugu casuumada

Exit mobile version