Heesta Sagaleey - Lyrics
Sagaleey mid kula siman
Wali lama samaynoo
Ifka looma saarin
Sintana laguma qaadin
Ala sagaleey
Kuma sobob jacayloo
Kuma hayga suranoo
Naftaydiyey sir caashaqa
Sidaan ahayba mooyee
Ala sagaleey
2×
Salaantaada oo qura
Hub qaad kaa sar weynoo
Samsameey ha daalin
Ala sagaleey
2×
Sagaleey sad iyo calaf
Marka uu ku siiyana
Hadii uu sagal qabo
Hurdo seexan karayee
Ala sagaleey
Suuradaada quruxdiyo
Socodkaaga laafyaha
Kolkaad gacanta saydhaa
Jiriirio i saaqdaa
Ala sagaleey
2×
Salaantaada oo qura
Hub qaad kaa sar weynoo
Samsameey ha daalin
Ala sagaleey
2×