Heesta Wajeer - Lyrics
Cambiyo tufaaxee
Cambaruud bislaataay
Cambiyo tufaaxee
Cambaruud bislaataay
Cadceedo iftiintiyo
Sagaaal caad ku qariyaa
Cadceedo iftiintiyo
Sagaaal caad ku qariyaa
Ciidii wajeeroo
Cagaar roob ka bixiyaa
Ciidii wajeeroo
Cagaar roob ka bixiyaa
2×
Alow yaa aroosoo
Waalidkeed ciseeyoo
Alow yaa aroosoo
Waalidkeed ciseeyoo
Caashaqaan dhamaanayn
Kula caysho waligeed
2×
Daruur curad sugaayoo
Cirkoo ii hilaacaa
Daruur curad sugaayoo
Cirkoo ii hilaacaa
Sida caalim sheekhoo
Dadku wada ciseeyaan
Sida caalim sheekhoo
Dadku wada ciseeyaan
Caashaqaagu igu yahoo
La igu ciili maayee
Caashaqaagu igu yahoo
La igu ciili maayee
2×
Alow yaa aroosoo
Waalidkeed ciseeyoo
Alow yaa aroosoo
Waalidkeed ciseeyoo
Caashaqaan dhamaanayn
Kula caysho waligeed
Hadaan kula caweeyoo
Caashaq kula wadaagana
Hadaan kula caweeyoo
Caashaq kula wadaagana
Ciidayda weeyoo
Waan ku caafimaadaa