dhabarka iyo laabtiyo
dhinacaa wadnaha baa
dhamac kulul ku beer
dhaawac baan qabaa

dhooleey laantaa
dhulkaa ila wareegoo
cirkaa ii dhwaaqoo
kaa dhawrsan maayee

wada dhalashadeenii
dhiigeena eegoo
dhibaatadan ii heeysa
dhooley iga dhaqaalee

dhankastoo aan eegaba
dhaayaha urooneey
waxan kuugu dhagayaa
wada dalashadeenii

anoo kaa dhursugayaa
axdiga dhirbaaxdoo
nimaan ku dhawayn
dhaxalkaagay siisee

Exit mobile version