adaa iga mudan
aniga sharafoo
adaan iga mudan
aman badanoo

adaan iga mudan
inaan kuu huroo
intaad nooshahay
adiga nolosha

adaa ila jira
jacal dhaba ahoo
adaa jeex iyo
jidhkayga ahoo

adaa ila jira
intaan jiro oo
adaa iga jira
intaan ila jirin

anad ii tahay
aduunkaygoo
agtaydana aad
ku wayntahayoo

anaan kula simin
asaagaago anaa
ku jecel adiga dunida

adaa edeb iyo
akhlaaq udhashoo
adaa quruxdii
aduunka ahee

aday hagar li i
indhii ku arkaa
ilwaad quruxeey
ildoogsanayaam

adaa caashaqa
abkiisa ahoo
astaan abid aan
lasiin ruux kale

allaylahee adaa
istaahil oo anaa
kuu qirey adiga
ruux goba

Exit mobile version