VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Balanbaalis cover - Lyrics

Sida meel barwaaqa ah Oo buura dhaadheer Wabi baal maraayoo Barbarkana Daruuruhu Kaga beegan yihiino Waaguna baryaayoo Bardihii magooliyoo Ubaxii gadaal baxay Balanbaalis qalin maleh Balanbaalis qalin maleh Hadba laan ka boodaa Adna ii bildhaantaa Biligtaadu waa taa Kalgacaylka beerto Bilicdaad wax dheer tahay Meel baad ku hooro Maageen baldhiilihu Maadhiyo bandhowluhu Baarka ay isku soohdeen An bahal ugaadh iyo Baryahaa dad soo marin Oo wali bur laga goyn Biyuhuna qulqulayaan Sida loogu oon baxo Sida loogu oon baxo Yaan kugu badhaadhaa Adna ii bildhaantaa Biligtaadu waa taa Kalgacaylka beerto Bilicdaad wax dheer tahay Hawd iyo bannaano Beeshu nabab bariisada Barqinaysa maalko Ay bari samaatay Dhalintiyo barbaartuna Dhaantiyo balooley Bulsho gago' u qowsteen Sida loo beerraqo Subaxaan ku booqdaba Subaxaan ku booqdaba Yaan kugu badhaadhaa Adna ii bildhaantaa Biligtaadu waa taa Kalgacaylka beerto Bilicdaad wax dheer tahay
Queue is empty
-- / --