Heesta Hooyo - Lyrics
hooyoy hooyoy la'aanta
aduunyadu lur iyo ciil
dheel dheel ma waydo
hooyoy
luqadaha cilmiga iyo
loolkiyo xidigaha iyo
marna lama haweysteen
hooyoo
diintiyo haldoorkiyo
wadaad looxa diintiyo
kitaab lagu lamaansiyo
loofarkii is qaadaba
adaa hooyo laantii
lugaha i sooro
naasaha ku leeshee
hooyoy
luqmantaa isiisiyo
laban caanahaga
laga helayn aduunke
ha iga liicin waliga
leeb cadow leh
kuma helo
jiro laasim noqotana
kaa leexi waynuhu
liiban aduunyada
aakhirana meel ladan
abaalkaaga lama helo
lasimna janada hooyoy
rabi luxudka ku fidi