VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Iqra - Lyrics

sidii meel roob ku hooray rogaal celiyeen daruuruhu ramasiyo doog is gaadhay rahiyo shinbiruhu is daajin qalbiga raacayoo jeclaaday ruuxbaad tahay loo hilaabay inkastoo naftu kugu riyaaqday iqraay kaa daba ruclaysay runtaa ah lama huraane runbaa rajo kugu sugaysa runbaa riyo kugu tabaysa ragbaanad u qaybsanaynin kunbaa RABI kaa baryaysa sidii ramad dhalay barwaaqo rucubta hoobaan bislaatay timo ruxayaan dabaylo kasoo raaraca madheedhka sidoodii dumar ka rooneey rugbay kuu tahay quluubtu inkastoo naftu tahay rabaayad iqraay adiga uun ku raadin rasmigaa ah lama gafaane
Queue is empty
-- / --