VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kufoo kac - Lyrics

Kol baan is-idhaa kuf oo kac bal kow dheh
Kadaa la iga aaminaayee bal LABBO dheh

Intaan kadaloobsadaa baan
hadana kambadhuudhsadaayee
Bal kaalay

Jacaylkii aan kabaday baa
Kashayda intuu fadhiistay
Intaa igu sii kordhaayee
kil-kilis buu igu hayaayee
Aniga karka iyo xanuunba
kuleeyl baa iga baxaayee

Adaa kohashada bilaabee
ma haysaa kaalintaadee

Mar baan kabbad owr sudhaaye bal kow dheh
Dameero kabaaliyaaye bal labo dheh

Intaan kaadso is-idhaah baan
kar-karo ka tuurayaaye bal kaalay

Intaan caashaqa kabaayay
Kordhinta xiisaha ku jeeday
Wanaagaaguun kasbaayay
samaha kool-koolinaayay
yartii igu kali ahayd ee
Kolmaad Xiisaha mideesay

Adaa kohashada bilaabee
ma haysaa kaalintaadee

Queue is empty
-- / --