umaleeyay mataanta naftayda
umacmiilay dareen igu meersan
umacneeyay jaclka mucdiisa
una muujay in aanan ka maarmin

ku mab suuday uqaaday
midayda ku macsuumay
wadnaha idhi maamul
ku milgeyay midaa hibadayda
kuna miisay amaan magaceeda

lamidawnay macaan badantayada
tayda intaan miray galgacal
tidhi muudso galgacak
naftii milgo siisay malabeeya
dareenka mac suuntay

imaquuni jacalku imaamul
imarsii jidkii maharaanka
igu maaxay intuu imaquurshay
iiga maaqay habeen iyo maalin

ka dhex miirtay maqluug ka
doortay ka mabnuucay inay
murugooto kana maarmay
marlay idilkood kana maagay
inaan ka maqnaado

Exit mobile version