Heesta Sagal - Lyrics
sagaleey mid kula siman
wali lama samaynoo
ifka looma saarine
sintana laguma qaadine
ala sagaleey
waana sabab jacayloo
wadnahayga sudhanoo
naftaydii sir caashaqu
sidaan ahayba mooyee
ala sagaleey
salaantaada oo qudha
hubqaad ka sad waynoo
samsameey i deeqdee
ala sagaleey
sagaleey sad iyo calaf
mid uun ku siiyaa
adigoo sagaal qaday
hurdo seexan karayaa
ala sagaleey
suuradaad quruxdiyo
socodkaaga laafiyaha
markaad gacanta saydhaa
jidhiidhico i saaqdaa
ala sagaleey