Heesta Wadwada - Lyrics
ayaa wehel laga dhigtaa
walaal yaa lala noqdaa
dareema waxyeelada
sirtiyo waxa kugu qarsoon
ayaad kula weecataa
waayaha laabtaada jira
tolow yaa kuu warwara
wadeecada kaa tirtira
wadiiqa san kuu furfura
mar qudha ku wanaajiyoo
talada kula sii wadwada
adoomaha yaa u wacan
iblayskuna yaan wax tarin
arkayaan waagii baryaba
ayaa i waraysta oo
mar aan war ii dhinayn
ogaada warkaygan badan