VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hilow - Lyrics

jacayl yohow heesahaaga hal hayskiyo maansadaada hoyaalee gabayadaada abwaan hal abuur sameeya ayaan ku xidhoo hankayga waxan ku hirtaa agtaada halkuu magacaagu yaalo ayay ka heshaa naftaydu hadaad hadalka iga goyso hurdada waan waayayaa e inaan kuu soo hiloobo haraad anigoo la liita oo hanfiga kuu soo dhex qaado hubaal weeyee garawso jacayl yohow haw lahaaga quruxda haasawahaaga hingaadiyo luqdaada markaan helo sheekadeeda humaagiyo muuqa eego sidii hirar soo butaacay ayaad qaada hankayga waxan ku habaa naftaydoo humaagiyo aragtidaade miyaad ii hiilin maanta
Queue is empty
-- / --