VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Iga furo dhibaatada - Lyrics

Maraan seexday fiidkii Waxbaa ila faqoo Soo fariiso igu yidhi Ii dhiibay fariin culus Fikir igu abuuryoo Anigoon filaynbuu fajac iigu yimiyoo Igu ganay falaadh daran Sidaan kuugu faanee Macaan kuugu foognahay Ila fuli jacaylkoo Famil aynu noqonee Cishqibaa hoheey igu fidoo Waxay talo ku fiicnayd Intaynaan fogaaniyo Dadkuna faalayn Waa mid iga fac waynoo Sidii ruux la falaybaan Waanigan fayoobayn Iga furo dhibaatada
Queue is empty
-- / --