Heesta Waan joogaa - Lyrics
adaa igu dhashay jacaylka
adaa iga dhigay xusuusta
adaa ila rabay dhibkiisa
dhuux iyo laf jiidhka
meel qudha ima dhaaafin
dhanbaalkiyo warkaagii
sidiiban u dhowraaye
xiisuhu dhamaan maayo
isma dhimo dareenkaygu
adaan ka dhur sugayaaye
dhakhso imo halkaan joogo
adaa igu dheer haweenka
intaada u ah quluubta
adaa na dhex jiifa laabta
macaan dhex jiifa laabta
dhaayaha qof aan saaro
dhabtii adiga qayrkaa ah
kuma dhaafsan waligay
bal dhadhami macaankiisa