VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Layli - Lyrics

Wali layli baa tahoo Laan baxaysoo Ilbaxnimaa kuu haysoo Laydhbaa ku sidatee 2× Wakhtigaaga luulkee Inta aanu kaa lumin Lafaliiji oo celi 2× Hadii kale lug iyo faras Labadaba ku duuloo Waa waxaad la lulataa 2× Wali liin baxdaa tahay Iyo legi caleen loo Libaax nimaan ogaynba Lax ka rita sudaadee 2× Dhabanadan labeenta leh Intuu leefay fuuruhu Ka falaliijiyo tabar 2× Hadii kale lug iyo faras Labadaba ku duuloo Waa waxaad la lulataa 2×
Queue is empty
-- / --