Heesta Dhunkasho - Lyrics
dhamaw dhabi baxay la moodyow
dhamaan waaxyaha jidhkaygu
dhabay kuu jecelyihiin
dhuuxiyo lafahaad dhex raacdoo
dhiigaad i dhalaalisee
dhabtiyo igu qabo wadnaha
dhunkashada igula soo dhawaw
dhakhsa aan guri dhisnee
lab iyo dhidigbaynu nahay
dhabtii makala maaranee
jacaylka kusoo dhawaw
dhibkiyo hadimada ka dhawr
dhamaw dhabi baxay la moodyow
dhanbaal caashaq wadaag
dhaxdii boodhari ka tagay
dhayal ha u qaadanine
dheeliga ka ilaaliyoo