taarikhdu waa sugan
abid soo taxnaydoo
waligeed sal guurayn

subaxaynu joogna
waa samo barwaaqo

sool iyo sanaag
waa sabandii cayn
khaatumo sal dhigatee

sanadguuradeeda
loo wada istaago
inan soo dhaweynaa
ubaxayada u sidanaa

khaatumay sidaadaba
soomali oo idil
sumadeedibad tahay

sumcad waxa ku leedahay
inaad samo ka talisee

soob malinimadiyo
calakeena suubanee
adaa sare u qaade

sanadguuradeeda
loo wada istaago
inan soo dhaweynaa
ubaxayada u sidanaa

watii aad u weynoo

midnimada dalkeena
hadaan maanka lagu haynin
wax ma geyso midigtuba
bidixdoo maqanee

kuwa maanka naga xaay
hadaan laga maarmeyn
inay meel xun naalnoa
wale magan alle sheegay
war ma hayside dunidoo
kolay mawdkiiba sugiye
kaymaha dhex joogte
waalal dunidan meraysid
inaad magac la haata
ku roon o leh muunade
murti iyo waxa laga taga
wax la beertaaye
maalkiyo hada loo huray
moolka iyo noolba
ma ogtahay dalkaagiyo
halkay maxastu ku taalay
maxa diiday muruqeena
inan meel isugu geyno
kuwa maanta naga xaarey
haaba laga maarmeyn
hobaaleye heedhe

Exit mobile version