dareenka jirkaygiyo wadnahaad dalaq iga dhex tiri
daraadaa dumar ayaan u daayo kaba durkee
maxaan kuu daalayoo dabayl iyo qorax maroo
daraadaa u oomayee

nafkuu dabranee ha daayacinee
ha daayacinee dar yeel u samee
dawaysa ahaw

sidii doogbaxaya bay indhuhu kuu daawadaan
intuu daain uumayeey adaan kaa doortayeey
miyaad ii diir naxay dabkan igu shidan dartaa
adaa iga damin karee

Exit mobile version