Nafyahay Ammakaag ka guurtay
Kolkaad anfariir uguurtay
Adoo is adkayn bidaaya
Miyaad istariixba wayday

Jacayl allaas ku beermay
Markuu oofaha fadhiistay
isagoon weli uurka gaarin
Miyuu inqilaab haleelay

Adkaysi nafyahay Madiiday
Dharaar Kolkaad ilmaysay
miyaad ulegaysa ayadaa

Nafyahay ebedda cishqigu
Markay hallis kaa abaartay
Anfaca inta aad ka soontay
Astaamo makuu yeehsay

Jacaylkaan astaynay waagii
Aroos inuu qabsoomo
Intaad ismakiijinaysi
Miyaa la afduubay maanta

Adkaysi nafyahay Madiiday
Dharaar Kolkaad ilmaysay
miyaad ulegaysa ayadaa

Exit mobile version