xeebtii saylaca iyo
saw iyo boorama iyo
sabuulaha korkeeda
suuban yaa kusoo bara
sama badan hargeysiyo
sool iyo sanaagiyo
saymuhu ku hooreen
sinta gaalkacyiyo
sanadkoo barwaaqo ah
yaa kuu seexsha baladweyn
jawhar soonaheediyo
xaruntii sinaantiyo
xamar kuugu sooroo
aroos suuban kuugu tuma

wabiyada oo susumaya
sumad wacan af gooyiyo
baydhabada saraysa
yaa dalxiis kugu sima
sabadii baraawiyo
kismaayiyo dalkeediyo
sonihii wajeeriyo
sagalkoo jigjiga helay
suuqii jabuutina
saawirkaaga yaa sudha
jawhar soonaheediyo
xaruntii sinaantiyo
xamar kugu sooroo
aroos suuban kugu tuma

Exit mobile version