Adigaa caqliga iyo
Cindigayga dagayoo
Cududaha jirkaygaa
Adeey kuu cataabaan

Naf ciriiri hayoo
Cidla taagan kaligeed
Ciidan kaa sugaysee
Macaan u calool dabac

Ceelkii aad joogtaa
Calmadaa fardawsaay
Caqligaa kudoortoo
Cajab galisay maankee
Cadil ha igu kaa simo

Adigaa cisiyo sharaf
Caadil kuu hibeeyoo
Aniga iyo caruurtaa
Ubax kugu casuumnee

Ciil kuguma beereen
Macaan kuma cidleeyeen
Hadal caro abuuriyo
Canaan kuuma quureen

Cirifkii aad joogtaa
Calmadaa fardawsaay
Caqligaa kudoortoo
Cajab galisay maankee
Cadil ha igu kaa simo

Exit mobile version