Heesta Furaha nolasha - Lyrics
Nolashaa furaheeda iyo
Cishqigu waa ubax fayoow
Indhihii fiirsada uroon
qalbiyo laba isu furan
Farxadiyo rayaan
Wuxuu fooriyo xanuun
Fallaariyo cudur ku yahay
Ruuxii aan lala fahmayn
Faaiidana wuxuu dhalaa
Wixii fidmo beera iyo
Xumaha marka la ga fogeeyee
Si mida loo feejignaado
Nolashaa faayaheeda iyo
Jacayl waa dareen ku fida
Naftaada adoon filayn
Farkaliyaan fool dhaqinoo
Kalina kuma fuli karoo
Haddaan ficil wada jirin
Fikir laga wada sinnaan
Fool xumaa laga dhaxlaa
Faaiidana wuxuu dhalaa
Wixii fidmo beera iyo
Xumaha marka laga fogeeyee
Si mida loo feejignaado