VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sahwi caashaq - Lyrics

Siduu caashaqu ii sido Ayuu adna kuu sitaa Siduu iigu kaa sakhiro Miyuu igu kaa sabaa Siduu caashaqu ii sito Ayuu adna kuu sitaa Siduu iigu kaa sakhiro Miyuu igu kaa sabaa Sidaan sambabkiyo bogayga Qalbiga meel kaaga sudhay Sadrigaaga intaan dhex dagay Miyaad igu sar go,antahay Sidaan sambabkiyo bogayga Qalbiga meel kaaga sudhay Sadrigaaga intaan dhex dagay Miyaad igu sar go,antahay Miyaad saqda dhexe dartay Hurdada salaad toostayoo Sahwiga caashaqu ku baday Cadceed subax cadceed subax Kugu soo baxdaa ugu soo baxdaa Miyaad saqda dhexe dartay Hurdada salaad toostayoo Sahwiga caashaqu ku baday Cadceed subax cadceed subax Kugu soo baxdaa ugu soo baxdaa Siduu ii siro caashaqu Miyuu iila kaa simaa Siduu iigu kaa san talo Miyuu iigu kaa sahlaa Siduu ii siro caashaqu Miyuu iila kaa simaa Siduu iigu kaa san talo Miyuu iigu kaa sahlaa Sidaan seer ahaa wadnaha Saldhig adi kaaga dhigay Saamigaaga intaan ka ahay Miyaad igu sad siisaa Sidaan seer ahaa wadnaha Saldhig adi kaaga dhigay Saamigaaga intaan ka ahay Miyaad igu sad siisaa Miyaad saqda dhexe dartay Hurdada salaad toostayoo Sahwiga caashaqu ku baday Cadceed subax cadceed subax Kugu soo baxdaa ugu soo baxdaa Miyaad saqda dhexe dartay Hurdada salaad toostayoo Sahwiga caashaqu ku baday Cadceed subax cadceed subax Kugu soo baxdaa ugu soo baxdaa Kugu soo baxdaa ugu soo baxdaa
Queue is empty
-- / --