Heesta Dacar qadhaadh - Lyrics
jacayl waa dacar qadhaadh
dab iyo naar kugu baxoo
dubaaqiyo waa xanuun
wadnaha kaa daara oo
marnaba aan kaa damayn
baryana waa nacab u daran
dadkuna kugu ceebsadaan
ha yeeshee dulucda waa
dadaalkaa lagu mutaa
dawooy nolol qiimo lee
dawooy axdigii ha dumin
jacayl waa dakhar u kulul
dhibaa kula soo darsoo
dareen weeyaan hadhayn
hadaad kala durugsantiin
miday naftu damacsanayd