Heesta Mayay - Lyrics
miliciyo mahiigaan
iyo halis intaan maray
male laguma koobee
maqashee macaaneey
mugdi iyo meeldhowbaan
ku dul meerayaayee
meel loogu toosiyo
male aduunyadu
meehaansi mooyee
i maan rid i maan qaad
iina miray sidii mayay
maalmahan jacaylkuye
midig bidix ma noqotaa
malag iyo midkii roon
arimaha ila maaree
muraad li' dantaydee
dhulaan marin lahayniyo
meel dheer ku laashoo
ana shiliyo mawdoo
i maquunsha mooyee
kaa maarmi maayee