ma ogtahay bi,iyoo
baahida kalgacalkaa
baryahayga goysoo
ana barashadaadii
bidhaan araga guudnimo
waa la uumana dhaafine

waxa tahay bogaygiyo
beerkiyo wadnaha uu
nacab uga baaqaayee
2x

ma ogtahay bad iyo webi
adigoon dabaal baran
loomaba badheedhee
baahida kalgacalkuna
baasay ila baagtoo
dadka laguma beeree

ma ii baaqday sida beel
baadiyo xareediyo
loo helay barwaaqoo
2x

maxaan kaaga baydhaa
ama kaaga baaqdaa
sow la ima kaa badin
2x

inanyahay nin baylihi
runta lama badheedhee
bugun waa dantiisee
hadba sida banjawcawl
ciirsiga banaanada
kaligay ka baaqaa

waxa tahay bogaygiyo
beerkiyo wadnaha uu
nacab uga baqaayee
2x

inanyohow basari iyo
doqonbaa nin beegsaday
barxuu kaga dhaqaaqdee
ha ka biqin badhaadhiyo
mid uunbaa ku soo bixi
barashada qasaartee

ma ii baaqday sida beel
baadiyo xareediyo
loo helay barwaaqoo
2x

maxaan kaaga baydhaa
ama kaaga baaqdaa
sow la ima kaa badin
2x

ma ii baaqday sida beel
baadiyo xareediyo
loo helay barwaaqoo
maxaan kaaga baydhaa
ama kaaga baaqdaa
sow la ima kaa badin

Exit mobile version