Ma ragaadin taladee
Waan kula rogrogayoo
Kama badin rafaad wali

Ranriib aabaaroo
Aniguba ragoo idil
Kaa raacay adigee
Isoo riday jacaylkii
Waanu ii run sheegee

Rays iyo barwaaqiyo
Ramas aan ku waarnee
Igu soo rogaal celi

Kama maarmo hadalkuba
Run inaad kaa sheegtee
Rabiyo allaa is baday

Ruuxay dani dhex joogtee
Raq baa waa rageedee
Riiqdii kalgacalkiyo
Caashaqii i rookee
Waana la igu raran yahay

Rays iyo barwaaqiyo
Ramas aan ku waarnee
Igu soo rogaal celi

Exit mobile version