habeen weeyoo mudanoo
dadka laba mataanii
kalgacayl mug dhaafiyo
calafkooga mahadsheen
oo madal ku qaaliya
arooskaaga muhashada
sida maalin ciideed
muxubada la sara kacay
muuqiyo la yaabkana
dadku mahadnaqiisii
mawle ha idin dhawra iyo
mar qudhaata lagu yidhai
isku mudataa noloshee
saki iyo ifraax noqda laba masuul
maamuuska gurigiyo
ubad lagu majiirtana
ku maasheeyo mawluhu

Exit mobile version