Sow kashaydiyo uurka
kuma uunid qulubtaa
Sow agtaada mayaalo
Udug ay naftu doonto
X2

Sow abaabul jacayl
Adi kuuma astaynin
Sow awood ihagaa
Adi kuuma aqonsan
X2

Quruxdaada ilayskaa
Sida kaaha u nuurta
Sow iftiinka masiiso
Indhahayga wanagsan
X2

Sow aduunka korkisa
Kali kaama ishaaran
Sow iliilahaa beerka
Kuma kaabtid awod
X2

Sow astaanta jacayl
Adi kuuma aqoonsan
Sow awoodaydiyay
Uurka kaama jeclanin
X2

Quruxdaada ilayskaa
Sida kaaha u nuurta
Sow iftiinka masiiso
Indhahayga wanagsan
X2

Exit mobile version