VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dartay u ilmeey - Lyrics

Adaa hamigiyo xiskayga
Rajada ku abuuray xooggan
Dartaa unugyada xujoobay
U doon inay helaan xanaano

Uruuri sirtaad xambaartay
Ka ool nacabkiyo xinlowba

Dabeeb arrimaha xageena
U dhiib ehelkiyo xigaalka
Si aynan u moodin xiiso
Darteey u ilmeey Xabiibti

Dareen ambaqaad leh xooji
Jacayl ku astaysan xeelad
Intaad haminayso xeero
Anaa ku hanweyn xaqiiqso

Afeefo waxaad xumayso
Allana bar-barkeen xisaabso

Niyayso inaan xorownay
U qoosh nacabkeen xildiida
Hala oorinee xanuunji
Macaan waligaa xifaaltan

Queue is empty
-- / --