xiisaha garaadoow igu gantay
wuu ila gurguurtoo ila gudee

gaaridii haweenkaay gu iyo dayr
anba waa i gubayaa kama gam,ee

galbiskaan sugaayiyo guri galkii
sawdigaa ka gaabshee iga gudayee

guunyadaa ii ciishee kuma gabanee
kuma gees maraayee ila garo

wii hiil gobaa sidaaduu garasho leh
waa hayaha gilgil may gamashiyaan

ii samir gobaadeey galab san baa
guul guul ku xigaysiyo gocoshadee

wadnaha gadhkiisaan ku guntoo
geeraann ka xigayaa guri ni kale

anba waa iga garanoo gabadh kaloon
usoo geed fadhiistoo ka geel baxshaa

giijisoo guntiga gaylanoo
guga kani ka xiga gaaf igu aroos

gawra habeenki gabi dhacaa
gacalooy dartaabaan u guurayaa

wii hiil goba sidaadaa garasho leh
waa haayaha gilgilmay gamashiyaan

ii samir gobaadeey galabsan baa
guul guul ku xigaysiyo gocoshadee

Exit mobile version