waa halis jacayl
waa hawlo aduun
marna waa hido
ma huraanoo
loo hanwayn yahay
hadeer aniguu
i hayaayoo
humaagiibaa
la i horkeenaa
habkii qaysbaan
cidlo heesaa
hurdi waayee
alloow aan helaa
marwo hantiyaa

markaan hanaqaaday
hareeraha dayay
yartaan haybsadoo
halacsadayoo
u hiloobee
habloo idil baan
uga hadhayoo
humaageegaa
la i hor keenaa
habkii qaysbaan
cidla heesa
hurdi waayee
alloow aan helaa
marwo hantiyaa
hoodo hantiyaa

Exit mobile version