VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sir sarbeeban - Lyrics

sadrigayga xubi saaqay kama suulin kama suulin oo subax ciida oo subxaabka loo sujuuday loo sujuuday soo bogayga intaan saaray kuma siinin kuma siinin qosol saafi samaan badan ku salaysan sumadaada qurux sooci ku siyaaday sinjigaaga sawrac dheeh le ku sifaysan sow ma moodo qorax saaran fad siraadan aan ka suulno sir sarbeeban siliceeda igu saacid fahan sugan sababtiisa ha igu sabin sacabo been ah oo saluug leh xubi suuban ha sagsaagin saxmi maaye samirkaaga ha sar gooynin ha siyaadee sidaad doonto sidaad diido naf sugaysa sawirkaaga siisanaynin bilyan soohdin san ku neefle kula simaynin sikin doora bal la saayir ha ku saarin nukur saaka
Queue is empty
-- / --