tusaale naftayda
tilmaame hagaaya
adoo tabinaaya

xubigan ku tanaadee
qalbiga ku tarmaaya
adaa tabantaabshay

sanooyin ku taamay
inuu tashigeenu
tis qaado jacaylku

naftii tukubaysay
hankedu tasoobay
adaa talo siiyay

aroos tikidhkiisa
togdheer laga goostay
taygayga iyo suudhka
jigjigi tabinayso
taashkiyo labiskaaga
hargaysi tolayso
gaarisa u tusmayno
ubaxa ku talaalnay
taariikho qadiima
laas geel tacab yaala
tixraax dhaqankeena
taswiir ku galayno

dalxiis tamashlaynta
tareen ina raaci
hargaysa tagaaya

muqdisho todobaad
gaafkeena tumayso
tabtaan rabay weeyi

tiirkaa wadnahayga
tagoogiyo dhuuxa
toosbaad ugu nooshee

waaba talantaali
tiraab hadalkeenu
xusuus togon weeyi

Exit mobile version