Jaceyl dhab baan wadaa
i qabay sidii dhibic roob
lafta iyo dhuuxo galoo
dharaarahaan ii run sheeg
La dhuubtay hadiimada
dhibtaan la dhawaaqayaa
qalbiga dhakafaaray
dhafoorka xanuunka qaba
shantanÂ
dhabanada haayaa
Bulshada iga dhoohanaa
dhibteydu ka daahana
intay intay
intay intay
intay i dhalilayaan
qalbiga kii dhayi lahaa
daawo iyo dhakhtarka u ahaa
siduu dhaqankeenu yahay
bal may guri noo dhisaan
Wadnaha dhaqdhaqaqa wada
halbowlaha dhiiga haga
intuu i dhax dagay wadnaha
dhamaan xididada ku baah
Waan dhiman iima tirii
wali dhan iima dhidan
dhakoole wareerka
niyada dhuyaal ku dilay
ayaan
wali dhalalaayaa
Bulshada iga dhoohanaa
dhibteydu ka daahana
intay intay
intay intay
intay i dhalilayaan
qalbiga kii dhayi lahaa
daawo iyo dhakhtarka u ahaa
siduu dhaqankeenu yahay
bal may guri noo dhisaan