Heesta Kumaan gabin - Lyrics
kumaa gabin wiilyohow
maan goyn wanaagee
guhaad iyo wax yeeliyo
wax yeeliyo gardaranaa
kuma badin
gacal kaama jarinoo
aniguba gantaaluu
itaagi gaadhee
sow uurka may gubin
hurda gibin ma siiyee
sida ruux gu iyo laba
dookhu uu ku gaaxdan
gibilkayga moodaa
gacmaha waxaan u fidiyaa
gargaar rabi baryaayaa
guhaadlayda dunidana
sama inaan ku gudubnoo
guuleheenu aakhiro
janadii nageeyaa
kuma gafo wiilyohow
ruuxii garaadlee
arin uu gorfaystana
inuu jaro gunteedee
ana waxaan ku goohaa
geestaada caashaqa
inaad godob ka galinoo
garabkay ahaatee
hadii heer aad gaadhiyo
hadaad gaajo nooshahay
ha u goohin waligaa
guuleheen wuxuu qori
gacmaha waxan u fidiyaa
gargaar rabi baryaayaa
guhaadlayda dunidana
guuleheenu aakhiro
janadii nageeyaa
by masuul.com
lyrics