VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qofba Wayahiisa - Lyrics

Qofba waayihiisiyo
waqtigaa hareeyee
warankii kalgacalkaa
waalaloow igaliyee
haaa
way baan ku noolee

Ifka laguma waaree
nafta weheladiisoow 
waxtarkeyga baad tahay
warna iima heysidee

Waanaadeyda maqaloo
hadii weyne nagu simo
jaceyl aan wadaagnee
adna ha i waxyeleen

Sida waqal kusoo da'ay
wageero abarsaday
wabigiyo xareedii
ubixi waraabsheen
haa
wacigaagu igu noqay

Wiilkii indhaha iyo
wadayaasha dhiigoo
adaan kugu warwaraaya
warna iima heysidee

Waanadeyda maqaloo
hadii weyne nagu simo
jaceyl aan wadaagnee
adna ha i waxyeelen

Queue is empty
-- / --