VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Umulkiisa caashaqa - Lyrics

ubixiyo udgooneey indhahayga deeqdaay eegmada u rooneey adaan kuu irdhoobee unugyada dareenkiyo idil waaxyahay aday kuu ilmeeyaan umulkiisa caashaqa ka adkaysan waayee axidgii aan dhawrnee kaalay aroos aan yagleelnee kaalay aqbalay warkaagee kaalay adigaan ku sugayee kaalay olol iyo hilaaciyo dayax ii iftiimow edeb iyo xishoodiyo asluubtiisa wacanow ayaaniyo nasiibiyo calafbaa adeegoo ifka la isu dhaafeee ilayskii naftaydaay isir taan wadaagnaay inanyahay la'aantaa ololbaa iga baxayee oogada jidhkaygiyo wadnuhuu abaaroo urugada ku raagtee ubixii naftaydoow aramida jacaylkaa oofaha i goysoo la itaal dareeyee ililaha wadniahiyo uurkaa ku jecelee sideen kugu iloobaa
Queue is empty
-- / --