aabahayga dhaado
gacalkii aan jeclaayo
guudkiyo dhabarkiisa
ee igu gargaarsho

gacal iyo xigalaba
midkay wada gartaano
guri wacan ku noolow
garaadkii wax garadkow

gurboodkiyo waayeel
geesigii mideeyo
gacal aabahaygo
guule ha u gargaaro

aabahay galaalan
gargarkii wanaago
midba gees u mariyo
geesigii an jeclayo

gacal iyo xigalaba
midkay wada gartaano
guri wacan ku noolow
garaadkii wax garadkow

Exit mobile version