Heesta Aamina - Lyrics
ubaxyow dhalaalee
ishu doogsanaysow
ALLE quruxda siiyee
aaminaay sidaadaba
ifka waxa ku nool dumar
aduu dookhu kaa helay
inaad door wacantay
asluubtaadu badantay
umadaa markhaatiya
ana waan ogsoonahay
daganida odhaahdiyo
muuqaal aragtidaad
igu deeqday inanyahay
afka waxaan ka sheegiyo
inta uurka ku hayaba
waa astaan jacayle