dhulku roob hadheeyoo
meel kastaba hilaac jiro
himitiyo caleentii
geeduhu hiraayaan
ayaan ku haybinaayaa
hoodiyo ayaaniyo
hablahaad ugu horaysaan
haybadaada quruxda leh
naftaa ku haraadee
halkeen kaa helaayaa

habka nolosha ugu wacan
ayaan kuula hiigsan doonaaye
ayaanay heelo kugu noqon

hanaankaaga quruxda leh
hamigayga buuxshee
habeenkiyo dharaatii
waa la i kaa horkeenaa
waan kugu haminayaa

hamuunta aan kuu qabo
habeen kuma idlaatee
ilaa aanku helo adi
hadhsan maayee aniguye
sahalow macaanow

Exit mobile version