VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nawaal - Lyrics

Nawaal dherekaaga Iyo jooggaaaga Dhaqaaq socodkiyo Hannaaankaaga Dhalaal midabkaaga Quruxdiisa Qalpigaad dhifatoo Jacayl dhigat Dhexdaan qoraniyo Xishoodkaaga Dhabanka xaadda leh xasuustiisa Timaha dheeree garbaha dhaafa Ishii dhugataan ku dhaafayne Adaan dhaladee Ku dhawranayaaa Dharaar iyo layl ku eeganayaa dhammaystiraneey Dhankaad joogtaan ku dhiiranayaa Dhalaal badaneey Nawaal dhaqankiyo asluubtaada Dhashii nabi yuusufoo dhabahee Markuu dhawaqaaga igu dhacaybaa Dheeftiisa jacayl dareemahee Sidii dhada roob udgoonbaneey Dhoolaha qosalkana xariir ugubeey Dhankaan eegaba hannaan wacaneey Dhirtoo ubaxliyo magool qariyaay Adaan dhaladeey Dhaladeey Kudhawranayaaa Dharaariyo layl Ku eeganayaa dhammaystiraneey Dhankaad joogtaan Ku dhiiranayaa dhalaal badaneey.
Queue is empty
-- / --